Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo guddoomiyay shir madaxeedka EAC

0
406

Madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyatta ayaa Arbacada maanta ah shir gudoomiyay shirkii 18-aad ee ay ka qeyb galayeen madaxda wadamada Bariga Afrika (EAC).
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynayaasha kala ah Yoweri Kaguta Museveni (Uganda), Paul Kagame (Rwanda) iyo Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweynaha wadanka (Tanzania).
Madaxweynayaasha kale ee kala Evariste Ndayishimiye ee Burundi iyo Salva Kiir Mayardit ee Koonfurta Suudaan ayaa waxaa kala matalayay madaxweyne ku xigeenka Prosper Bazombaza iyo wasiirka EAC Deng Alor.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo khudbad jeediyay ayaa shirkan ka sheegay in muhiimad weyn ay leedahay is-dhexgalka iyo sare u qaadida dhaqaalaha Bariga Africa.
Qodobada kale ee shirka uu godoomiyay Mr Kenyaatta looga hadlay waxaa ka mid ah codsi ay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) ku dalbatay in ay ka mdi noqoto xubnimada EAC.
Waxaana la faray golaha wasiiradda ee EAC inay dadjiyaan meelmarinta codsiga ka soo yeeray dalka Congo.
Madaxda kala ah Museveni, Kagame iyo Suluhu Hassan waxay uga mahadceliyeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta gudoominta shirka iyagoona soo dhaweeyay xiisaha ay dalka Congo u qabto ka mid ahaanshaha xubnaha bulshada jaaliyadda Africa ee EAC.