Maamulka bariga dalka Libya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Benghazi ayaa laga soo xigtay in qiyaastii 3,000 oo qof ay ku dhinteen wadankaasi .
Tani ayaa timid ka dib markii degmada Derna ay saameysay duufaanta Daniel halka sidoo kale roobab culus oo da’ay ay ka dhasheen daadad ka dib markii ay biyaha buux dhaafiyeen labo ceel.
Waxaa Libiya gaaray diyaarad ka timid Turkiga oo sidda howlwadeennada samatabixinta.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee Turkiga ayaa bayaan ku sheegtay inay sidoo kale gargaar gaarsiinayaan dalkaasi oo uu ku tilmaamay saaxiib dhow.
Afhayeenka laanqayrta cas ee Libiya ,Taqfiq Shukri ayaa dhankiisa sheegay in tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ay tahay 2,084 qof .
Waxaa uu intaasi ku daray in la diiwaangeliyay 10,000 oo qof oo la la’yahay halka ay guriyahooda ka barakaceen 20,000.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamullada ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah oo ay amreen in dugsiyada la xiro sidoo kalena la soo rogay amar bandow ah.