300 oo milyan oo dhallinyarada looga soo dhisaya dhanka xirfadaha

0
393

Hay’adda arrimaha bulshada u qaabilsan bangiga dowladda ee KCB Foundation iyo ururka iskaashiga horumarka ee Jarmalka ayaa ka wada shaqeynaya barnaamij da’yarta looga taageeraya dhanka xirfadaha.
Waxaa qorshahan oo diiradda lagu saaraya adeegyada dhinaca dhismaha ku baxaya lacag gaaraysa 300 oo milyan oo shilin.
Ilaa 3500 oo ka mid ah dhallinyarada dalka ayaa la filayaa in tani ay shaqo abuur u noqoto.
Barnaamijkan ayaa socon doono muddo saddex sano ah waxaana agabka kala duwan ee dhismaha la siinayaa 700 oo dhallinyaro ah si ay uga ganacsadaan.
Agaasimaha guud ee bangiga KCB ,Joshua Oigara ayaa sheegay in iskaashigan looga gol-leeyahay in lagu xalliyo dhibaatooyinka haysta bulshada.
Marka la eego dhanka jinsiyadda , dadka ka faa’iidaysanaya ayaa boqolkiiba 60 rag ah iyada oo haweenka ay yihiin boqolkiiba 40.