3 sarkaal oo KDF ah oo lagu abaal mariyay qaabkii ay uga falceliyeen weerarkii 2020 ee Lamu

0
784

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano (US AFRICOM) ayaa abaal marin bogaadin ah guddoonsiiyay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada gaashaandhigga wadanka ee KDF-ta.
Waxaa askartan lagu ammaanay inay 5-tii bishii koowaad ee sanadkii 2020-kii ay si geesinnimo leh uga falceliyeen weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday saldhigga Manda Base ee dowlad deegaanka Lamu .
Agaasimaha howlaha US AFRICOM Gregory Anderson ayaa abaal marinta guddoonsiiyay Daniel Rotich, Martin Muthaura iyo Peter Shikuri.
Waxaa uu sheegay in saddexda sarkaal ay si degdeg ah uga hortageen weerarkii lala eegtay saldhiggaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada militari ee Kenya iyo kuwa Maraykanka.
Colonel Rotich ayaa si gaar ah loogu aqoonsaday isku dubaridka gurmadka dhanka cirka iyo dhulka.
Major Muthaura, ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay koox saraakiil ah oo caawiyay kuwa Maraykanka isagoo qayb kalena ku hareereeyay saldhiggaasi si ay u difaacaan.
Shikuri Peter ayaa lagu sharfay dadaalkii iyo niyaddii uu geliyay in argagixisada laga adkaado.
AFRICOM ayaa sheegtay in sarkaalkan uu geesinnimo muujiyay xita ka dib markii la dhaawacay.
Agaasimaha howlaha taliska Maraykanka ee Afrika
Gregory Anderson ayaa ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda, dhiirranaanta iyo geesinnimada .
Waxaa uu xusay in taliska US AFRICOM ay ka go’an tahay inuu sii wado iskaashiga kala dhexeya Kenya ee dhanka la dagaalanka argagixisada oo uu ku tilmaamay khatar heer caalami ah.
Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca dalka Francis Ogolla ayaa sidoo kale saddexda sarkaal ee la abaal mariyay uga mahadceliyay sida ay uga soo baxeen dhaarashadii ay mareen si ay qaranka u difaacaan.