3 sarkaal oo ka tirsan ciidamada GSU-da oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta afduubka muwaadin u dhashay Shiinaha

0
279

Waxaa maxkamadda deegaanka Mavoko ee ismaamulka Machakos la soo taagay 3 sarkaal oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.
Saraakiishan ayaa wajahaya eedeymo la xiriira afduub loo gaystay ganacsade u dhashay dalka Shiinaha.
Ganacsadaha ayaa laga afduutay deegaanka Mlolongo ee ismaamulka Machakos.
Saddexda sarkaal ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Fredrick Mwongela Mwololo, Samuel Mwiti iyo Kimwele Musyoki .
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in saddexda sarkaal oo ka tirsan ciidamada GSU-da, muwaadin kale oo u dhashay dalka Shiinaha iyo nin taksiile ah ay afduubteen ganacsadaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha ay madaxa furasho ka codsadeen ganacsadaha u dhashay Shiinaha.
Ganacsadaha ayaa markii dambe xurriyaddiisa dib u helay.
DCI-da ayaa sheegtay in lagu raadjooga taksiilaha iyo eedeysanaha Shiinaha u dhashay.
Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tuhmanaha u dhashay Shiinaha ee wali baxsadka ah uu xiriir joogto ah la lahaa saraakiisha la xiray.
DCI-da ayaa maxkamadda ka codsatay in muddo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayo saraakiisha, si baaritaannada loo soo gabagabeeyo.