Nin iyo laba carruur ah ayaa xalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Koonfurta Bypass, ee ismaamulka Nairobi.
Ninka iyo carruurta shilka ku dhimatay ayaa watay gaari nooca loo yaqaano Toyota Probox.
Darawalka ayaa xakameyn waayay gaariga isagoona uu kala baxay wadada ka dib si fool ka fool ah ugu dhacay gaari kale xamuul ahaa.
Taliyaha ciidamada booliska Lang’ata Benjamin Mwanthi ayaa sheegay in gaariga Toyota Probox ah uu ka yimid dhica wadada Mombasa Road isagoona kusii jeeday deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu markii shilku dhacayay.
Booliska ayaa sheegay in darawalkii ka xaynayay gaariga xamuulka ah uu ka badbaaday shilka isagoona aan soo gaarin wax dhaawac ah.