Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex muwaadin oo u dhashay wadanka Shiinaha kuwaas oo loo haysto burburinta agabka shirkadda korontada ee Kenya Power.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay inay soo heshay agab koronto oo la doonayay in wadanka laga dhoofiyo.
Shirkadda adeegga korontada Kenya Power ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha lagu helay haamaha qaybiya korontada oo laga soo xaday qaybo ka mid ah wadanka.
Madaxa dhanka amniga ee Kenya Power Paul Nyaga ayaa sheegay in saddexda eedeysane maxkamad la soo taagi doona.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay aaga Industrial Area ee magaalada Nairobi.
Dambi baarayaasha ayaa sidoo kale ku raadjooga tuhmanayaal kale oo dhacdadan lala xiriirinayo.