Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in shacabka ku nool xaafadda Makongeni ee deegaanka Thika oo ka tirsan ismaamulka Kiambu ay dileen saddex qof.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shakhsiyaadkan boorso ka qaateen haweeney.
Ciidamada booliiska oo goobta gaaray ayaa meydadka saddexda qof geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka General Kago si eheladooda ay u aqoonsadaan.
Sidoo kale waxay ciidamada helaan saddex mindi, taleefoonka gacanta iyo waxyaabo kale oo la rumeysan yahay inay adeegsanayeen dadka la dilay.
Laamaha ammaanka ayaa dadweynaha ku boorriyay inaynan tallaabo qaadin oo ay tuhmanayaasha u gacan geliyaan booliiska.
3 KILLED BY IRATE MOB FOLLOWING ROBBERY INCIDENT
Three men lost their lives yesterday after an irate mob descended on them crushing them to a pulp, after they snatched a handbag from a woman in Thika’s Makongeni’s area, Kiambu County.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) March 9, 2023
three knives belonging to the suspects, a mobile phone and personal effects robbed from the victim were recovered. Members of the public are advised not to take the law into their hands but hand over suspects to police for justice in a court of law. #FichuakwaDCI 0800 722 203
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) March 9, 2023