3 qof oo loo xiray haweeney doonaysay inay canug iska soo rido oo geeriyootay

0
359

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya dhimashada haweeney isku dayday inay canug iska soo rido.
Tuhmanayaasha ayaa isugu jiro ninka ay u dhaxday haweeneyda oo bixiyay lacag uu doonayay in howshan lagu fududeeyo iyo labo qof oo lagu tilmaamay dhakhaatiir faalis ah.
Howlgalka ayaa waxaa sameeyay ciidamada dambi baarista ee saldhigga deegaanka Starehe ee Nairobi ka dib markii meydka haweeneyda laga helay meel u dhow waddada Outering.
Tuhmanayaasha ayaa hadda xabsi ku jiro oo baaritaano dheeraad ah lagu hayaa ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.