3 qof oo loo xiray dhaqan aan carruurta la geyn isbitaallada

0
352

Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo ku eedeysan inay ka mid yihiin bulsho aaminsan in aan carruurta la geyn isbitaallada marka ay xanuunsadaan.
Dadka dhaqankan leh ayaa ka soo jeedo deegaan baarlamaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya .
Magacyada saddexda qof ee ay booliiska xireen ayaa kala ah Morris Aloo Oyusu, Elizabeth Awino Ochieng iyo Josephine Atieno Omollo.
Waalidiintan ayaa loo haystaa inay diideen inay carruurtooda oo xanuunsan geeyaan isbitaalka si loo daaweeyo maadaama sida ay aaminsan yihiin tani ay ka soo hor jeedo waxyaabaha lagu baro kaniisadda ay taabacsan yihiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie iyo 15 qof oo kale oo lala soo eedeyay kuwaasoo loo haysta inay ugu yaraan 425 qof ka dhaadhiciyeen inay cuntada iyo biyaha ka afixrtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa dhowr mar wacad ku maray in laamaha ammaanka ay tallaabo adag ka qaadi doonaan baadariyaasha halis gelinaya nolosha shacabka.