3 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Naivasha

0
355

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex qof oo ay ka mid yihiin haweeney iyo canug yar.
Tani ayaa timid ka dib markii bas ku wajahnaa magaalada Tororo ee Bariga dalka Uganda uu shil ku galay aagga Kayole ee deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baska uu siday rakaab doonayay in ay Uganda uga qayb galaan munaasabad aas ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darawalka uu xakameyn waayay gaariga taasi oo keentay in shilka uu dhaco.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in 63 qof ay baska saarnaayeen xilligii uu shilka dhacayay.
Waxaa xaaladooda caafimaad lala tacaalaya dhowr qof oo kale oo uu darawalka ka mid yahay oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.