3 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Marsabit

0
309

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil laga soo tabiyay ismaamulka Marsabit.
Shilka ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Bubissa ee waddada wayn ee u dhexeysa Marsabit iyo Moyale .
Waxaa shilka gashay mid ka mid ah gawaarida gurmadka degdegga ee loo yaqaano Ambulance oo ka timid Marsabit oo ku wajahnayd Sololo.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Turbi ,Issaq Axmed ayaa sheegay in darawalka baabuurka uu xakameyn waayay ka dibna uu gaariga waddada ka baxay ka hor inta uunan rogman dhowr mar.