3 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kisumu

0
363

Saddex qof ayaa ku dhintay shil saaka ka dhacay aagga suuqa Kong’ou ee deegaanka Nyakach ee ismaamulka Kisumu.
Waxaa shilka oo u dhexeeyay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo mooto laga soo tabiyay waddada Katito-Kendu Bay .
Waxaa isbitaalka St. Anne’s Nyadero Hospital la geeyay saddex qof oo ay dhaawacyo soo gaareen kuwaasi oo ay xaaladooda caafimaad liidato.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhintay uu ka mid yahay wadihii mootada oo ku wajahnaa Katito ka hor inta aynan mataatuuda isku dhicin.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in labada ruux ee kale ay kala saarnaayeen dhugdhugleyda iyo baabuurka oo u socday ismaamulka Homa Bay ka dib markii uu saaka ka soo baxay Kisumu.
Booliiska ayaa meydadka dadka shilka ku nafwaayay geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegmada halka baabuurka iyo mootada loo jiiday saldhigga booliiska.
Taliyaha booliiska ee gobolka Nyanza Patrick Tito ayaa gaadiidleyda uga digay in ay gawaarida kaxeeyaan iyagoo khamri soo isticmaalay.
Dhanka kale , wiil dhiganayay fasalka 8-aad oo ka soo jeeday degmada Yala ee ismaamulka Siaya ayaa ku dhacay barkadda lagu dabbaasho ee maqaaxi halkaasi ku taalla oo uu kula dabbaal degayay xubnaha qoyskiisa.
Taliyaha booliiska ee Yala Chris Wafula ayaa xusay in la helay meydka canugga iyadoo la guda galay baaritaanno arrinkan ku aaddan.