3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Nyamira

0
354

Taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Borabu ee ismaamulka Nyamira Josephat Chacha ayaa xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen shil u dhexeyay mooto iyo mid ka mid ah gaadiidka xamuulka.
Waxaa uu sheegay in dhugdhugleyda oo si xowli ah loo waday ay ka soo leexatay isgoyska xarunta Kenyoro ka hor inta aynan looriga ku dhicin.
Ciidamada booliska ee Nyamira ayaa guda galay baaritaano dhacdadan ku aaddan.
Saddexda qof ee shilka ku dhintay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ombongi Nyamweya (23), Jeremiah Menge (23) iyo Ogoti Munayo oo 24 sano jir ah.
Booliska ayaa intaasi ku daray in darawalkii baabuurka xamuulka uu shilka ka badbaaday in kastoo gaariga loo qaaday saldhig boolis oo halkaasi ka ag-dhow si baaritaano loogu sameeyo.
Meydadka saddexda ruux ee dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Gucha ee ismaamulka Kisii.