3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Marsabit

0
357

Waxaa la xaqiijiyay in ay saddex qof ku dhinteen shil baabuur oo xalay ka dhacay aagga Murup ee waddada xiriirisa tuulooyinka Kambinye iyo Kargi ee ismaamulka Marsabit.
In ka badan 30 ruux oo dheeraad ah ayaa shilkaasi ku dhaawacmay waxaana la geeyay isbitaallada si loo daaweeyo.
Wakiilka deegaanka hoose ee Kargi Ward, Chris Ogom ayaa warbaahinta Citizen u sheegay in baabuurka shilka galay uu siday 100 qof.
Chris Ogom ayaa xusay in dadkan ay ka yimaadeen Hulahula oo ay ku wajahnaayeen Kargi si ay uga qayb galaan xaflad aroos ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in darawalka uu gaariga xakameyn waayay taaso keentay inuu dhowr mar rogmado.
Dadka deegaanka iyo ciidamada booliiska ayaa gacan ka gaystay in dhaawaca la gaarsiiyo xarumaha caafimaadka.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Marsabit ,Nobert Komora ayaa sheegay in howlgalka samatabixinta u weli socdo oo uu dib ka shaacin doono bayaan faahfaahsan.