3 qof oo ku dhimatay duqaymo ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

0
443

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa maanta duqaymo ka fuliyay caasimada gobolka Tigray ee Mekele sida ay saraakiisha gargaarka baniaadanimo ka shaqeeya iyo diblomaasiyiin kale ay u sheegeen wakaaladda wararka AFP.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay waji cusub oo uu yeeshay dagaalka ku dhawaad hal sano ka socday waqooyiga Itoobiya.
Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in duqayntaas lagu dilay sidoo kalena ay jiraan tiro dhaawacyo ah sida ay saraakiisha caafimaadku u sheegeen AFP.
Waa duqayntii ugu horraysay ee laga soo tabiyo Mekele tan iyo markii colaadaha waqooyiga Ethiopia bilkowdeen bishii 11-aad ee sanadkii hore in kastoo ay gobolka ka dhaceen dagaallo kale oo culus oo labada dhinac dhexmaray.
Duqayntan ayaa ka dhacday duleedka Mekele subaxnimadii hore ee maanta gaar ahaan agagaarka warshadda Sibirka sida laga soo xigtay ilo wareedyo.
Duqaynta labaad ayaa duhurnimadii isla maanta ka dhacday bartamaha magaalada meel u dhow maqaaxida lagu magacaabo Planet oo inta badan ay adeegsadaan saraakiisha ugu sarraysa Jabhadda xoraynta dadka Tigray ee TPLF,xisbigii hore ee talada gobolka hayay sidoo kalena tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore bartilmaameed u ahaa howlgalka militari ee dowladda.
Kooxda TPLF ayaa sheegtay in weerraradan cirka ah lagu doonayay in dadka rayidka ah lagu waxyeeleeyo.
Hasa ahaate warbixintan si madax banaan looma xaqiijin mana jiraan mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ka hadlay.
Dhacdadaan ayaa ku soo beegmaysa oyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya u muuqato inay awood guluf xooggan oo dagaal ah qaaday kaasoo ka dhan ah kooxda TPLF oo wadankaas hoggaaminaysay ka hor intii uusan talada la wareegin ra’iisul wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018-kii.
Warar soo baxayay toddobaadkii hore ayaa sheegayay inuu jiray iska hor imaad dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa canfarta oo ah gobolka xaduud la leh Tigray halkaasoo dagaalku ku fiday.