3 qof oo ku dhaawacmay iska hor imaad dhex maray taageerayaasha Kidero iyo Wanga ee ismaamulka Homa Bay

0
394

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib isku dhac dhex maray taageerayaasha laba musharrax oo isku haya xilka guddoomiyaha ismaamulka Homa Bay.
Arrintan ayaa la soo tabiyay xilli shalay lagu guda jiray isku soo baxyadii ugu dambeeyay ka hor maalinta doorashada ee ku beegan 9-ka bishan.
Musharraxiinta ay taageerayaashooda isku dhaceen ayaa kala ah Gladys Wanga oo matalaysa xisbiga ODM iyo dhigeeda madaxa bannaan Dr. Evans Kidero.
Iska hor imaadka ayaa yimid ka hor inta aysan labada musharax soo gaarin goobihii ay isku soo baxyadoodi ugu dambeeyay ku qaban lahaayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr baabuur la dhagaxeeyay.
Guddoomiyaha dowlad dhexe ku matala ismaamulka Homa Bay, Moses Lilan, ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah 3-da qof ay dhaawacyadu soo gaareen la dhigay isbitaalka.
Mr. Lilan ayaa sheegay in ay wali wadaan baaritaan ku aadan dhacdadan si loo xaqiijiyo in dambiilayaasha falka ku lugta leh gacanta lagu soo dhigo.
Barasaabkii hore ee Nairobi Dr. Evans Kidero iyo xulafadiisa ayaa cambaareeyay dhacdadan, iyaga oo ku eedeeyay saraakiisha ammaanka oo ay ku tilmaameen inay u janjeereen dhanka Gladys Wanga.
Dhanka kale, Gladys Wanga ayaa sidoo kale cambaareysay rabshadahan, iyadoo ka codsatay saraakiisha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadkii ka dambeeyay.