Waxaa la xaqiijiyey dhimashada saddex ruux oo kalluumeysato ah halka mid kalena uu dhaawacmay ka dib markii ay isku dhaceen doon kalluumeysi iyo Markab.
Arrintan ayaa laga soo tabiyey Harada Lake Victoria meel u dhow jasiiradda Remba ee deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Suba ee ismaamulka Homa Bay.
Kalluumeysatada dhacdadaasi ku geeriyooday ayaa kala ah Fredrick Odhiambo, Pascal Oluoch iyo Wickliffe Mino waxayna dhammaan ka soo jeedeen xeebta Sindo ee Koonfurta Suba.
Guddoomiyaha laanta maareynta Xeebta ee Homa Bay , Edward Oremo, ayaa laga soo xigtay in doonta uu soo gaaray burbur xooggan oo ay noqotay ilaa saddex qayb.
Qofka dhaawacmay ayaa hadda la daaweynaya iyadoo maamullada ay baaritaan dhameystiran ku sameynayaan dhacdadaasi.




