3 qof oo Falastiiniyiin ah oo xalay lagu dilay Daanta Galbeed

0
234

Ugu yaraan saddex qof oo u dhashay dalka Falastiin ayaa lagu dilay weerar ay xalay ciidamada Israa’iil ka gaysteen Daanta Galbeed.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in qof dhallinyaro ah lagu toogtay xerada Askar ee magaalada Nablus ee Waqooyiga Daanta Galbeed.
Qofka labaad ayaa lagu dilay magaalada Beit Rima ee dhanka Waqooyi uga beegan Ramallah halka midka saddexaad looga takhalusay degmada Tammoun ee magaalada Tubas.