3 ka mid ah saraakiisha KDF oo shil ku dhintay

0
450

Warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in saddex sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ay shil ku dhinteen halka 17 kale ay dhaawacmeen.
Shilkan ayaa laga soo tabiyay aagga Jogoo ee waddada wayn ee u dhexeysa Nakuru iyo Eldoret .
Warbixin ay soo saareen laamaha ammaanka ayaa muujinaysa in baabuurka militariga ee shilka galay uu ka soo ambabaxay Eldoret oo uu ku soo wajahnaa Nakuru hasa ahaate uu darawalka gaariga xakameyn waayay xilli uu soo gaaray meel ay buundooyin ku yaallaan.
Baabuurka ayaa intaasi ka dib rogmaday.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka degaanka Molo si loo daaweeyo halka meydadka ay yaalaan goobta meydadka la dhigo ee xaruntaasi caafimaad.