3 ka mid ah isbitaallada Qaza oo shaqooyinkooda istaageen shidaal la’aan awgeed

0
305

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex isbitaal oo ku yaalla Qaza ay howlahooda joojiyeen shidaal la’aan awgeed halka mid afaraad lagu wado in dhawaan uu xirmo.
Tani ayaa timid ka dib markii la waayay shidaal lagu shubo matoorrada ay xarumahan ku shaqeynayaan maadaama horay looga jaray korontada.
Caqabadda kale ee soo foodsaartay isbitaalladan ayaa ah in agabka caafimaad uu gabaabsi yahay.
Dhanka kale weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay daar la deggan yahay ayaa lagu dilay 9 ruux oo 7 ka mid ah ay yihiin carruurta qoyska al-Bakri
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka dhismahaasi halka dhismooyin badanna dhulka lala simay.
Ugu yaraan 3,500 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishan sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.
Weerarkii uu xilligaasi Israa’iil ku qaaday ururka Xamaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,400 oo qof.