Xisbiga ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ee (PTI) ayaa dowladda dalkaasi ku eedeeyay inay xalay xirtay mas’uul sare.
Waxaa qoraalka xisbigan ku cad in gacanta lagu dhigay Shah Maxmuud Qureshi oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda ee xukuumadii Khan.
Sidoo kale sida laga soo xigtay xisbiga PTI waxaa xalay la xiray labo kale oo hoggaamiyaal sare ah oo lagu kala magacaabo Asad Cumar iyo Fawad Chaudhry.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada ammaanka ee dalka Pakistan ay ku dadaalayaan inay dejiyaan dibadbaxyo rabshadeysan oo ka dhashay tallaabada lagu xiray Imran Khan oo loo haysto falal musuqmaasuq.
Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay rabshadaha Pakistan.




