Waxaa lagu soo warramayaa in weerar laga gaystay ismaamulka Lamu ay ku dhinteen saddex ka mid ah saraakiisha difaaca dalka ee KDF-ta.
Ciidamada ayay miino kula qaraxday baabuur ay saarnaayeen xilli ay marayeen keynta Witu ee Lamu.
Waxay xilligaasi ku wajahnaayeen inay soo badbaadiyaan saraakiisha GSU-da oo ay waxyeello ka soo gaartay weerar miino ah.
Ugu yaraan 10 ka mid ah ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da ayaa ku dhaawacmay dhacdadaasi.
Madaxa isgaarsiinta istaraatiijiga ah Zipporah Kioko ayaa sheegtay in dhaawaca lagu soo qaaday diyaarad si ay u helaan daryeel caafimaad.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Galbeedka Lamu ,Gabriel Kioni ayaa sidoo kale xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay weerarka wuxuuna xusay in ciidamada GSU-da ay xilligaasi ku guda jireen roondooyin ay ka sameynayeen aagga Pandanguo oo xiga keynta Boni.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib socdaal qaatay saddex cishe oo uu wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ku tagay Lamu isagoo shacabka dowlad deegaankaasi iyo si guud kenyaanka u xaqiijiyay in amniga la adkeeyay.