3 burcad ah oo lagu dilay Turkana

0
397

Saddex qof oo looga shakiyay burcadnimo ayaa waxaa toogtay ciidamada ammaanka ee deegaanka Loima ee ismaamulka Turkana .
Tani ayaa timid ka dib israsaaseyn dhex martay shakhsiyaadkan iyo saraakiisha booliiska.
Bayaan uu soo saaray adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa lagu sheegay in saddexda ruux ee la dilay uu ka mid yahay qof horay uga qayb qaatay falalka burcadnimo kaasi oo wajahaya dacwad maxkamadeed oo la xiriirta dhac awood loo adeegsaday.
Booliiska ayaa magaca ninkan oo 37 sano jir ah ku sheegay Simon Egielan Lopongorei.
Warbixinta NPS waxaa ku cad inuu yahay horjoogaha burcadda waxaana maxkamadda hor yaalla ilaa 3 kiis oo Simon ka dhan ah.
Marka laga soo tago dhaca waxaa sidoo kale loo haystaa ku lug lahaanshaha kufsi wadareed iyo inuu ku hanjabay inuu dil gaysanaya.
Booliiska ayaa magacyada labada qof ee kale ku kala sheegay Lokucha Ngeruk oo 39 sano jir ah iyo Tiya Logumo oo 21 sano jir ah.
Labadan qof ayaa lagu tuhmay inay ka dambeeyeen weerar gaadmo ahaa oo 28-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore lagula kacay taliyaha saldhigga booliiska ee Lorugum halkaasi oo waxyeello lagu gaarsiiyay.
Howlgalka lagu toogtay saddexda ruux ayaa ku soo beegmaya maalin un ka dib markii madaxweynaha dalka Willaim Ruto uu shir guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga ismaamullada ku yaalla Waqooyiga gobolka Rift Valley.