3 askari oo ku dhaawacmay shil ka dhacay waddada Embu-Kitui

0
242

Waxaa ay dhaawacyo soo gaareen saddex ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii baabuur ciidamada siday uu shil ku galay aagga Macembe ee waddada u dhexeysa ismaamullada Embu iyo Kitui .
Waxaa shilkan oo saaka dhacay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee gobolka Bariga dalka Lawrence Koilen.
Taliyaha ayaa sheegay in baabuurka shilka galay uu ka mid ahaa kolonyo ay booliisku leeyihiin oo ka yimid ismaamulka Mandera oo ku soo wajahnaa Nairobi.
Waxaa uu intaasi ku daray in gaariga ay ku timid cillad farsamo ka hor inta uunan waddada dhexdeeda ku gaddoomin taasoo sababtay ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah.
Saraakiisha booliiska ee dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee ismaamulka Embu si loo daaweeyo.