DHAGEYSO:Wakiil ka mid ah siyaasiyiinta Mombasa oo dhaliilay adeegga feeriga

0
510

Mid ka mid ah wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaanka Mombasa ayaa ku baaqay in maareynta adeegga feeriga lagu wareejiyo maamulka dekadda Mombasa isagoona sheegay in ay shaqadii ay bulshada u hayeen ka caga jiidayaan .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in howlwadeenada waaxda feeriga oo aan mushaar la siin ay ku guda jiraan gadood shaqo taasi oo hoos u dhigtay adeegyada ay waaxdu fidiso xilligan oo uu aad u badan yahay isku socodka gudaha magaala xeebeedda Mombasa.