Dagaal markale saaka laga soo sheegayo magaalada Boosaaso

0
593

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in abaare Shantii aroorninmo ee saaka ay mar kale magaalada Boosaaso ku waabariistay dhawaaqa hubka ka dhacaya aaga xarunta ciidamada PSF.
Xarunta PSF wararku waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay janeraal Maxamuud Diyaano oo diiday xilka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni taasoo ay ka soo bilaabatay xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.
Dagaalkii shalay labada dhinac ku dhexmaray magaalada Boosaaso ayay wararku sheegayaan inay ku dhinteen ilaa 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah ee magaalada ku nool waxaana ku dhaawacmay ilaa 40 kale sida laga soo xigtay ilaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.
Dad badan ayaa ilaa xalay ka barakacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaasoo ka cabsi qabay in dagaalku sii socda oo uu saamayn ku yeesho noloshooda.
Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda, duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee guud ahaan magaalada Boosaaso sida wararku sheegayaan.
Iska hor imaadkii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ka dib Waxaa xalay jiray dadaallo Nabadeed oo ay wadeen Ururada Bulshada Rayidka Puntland iyo Odayaasha Dhaqanka si xabadda loo joojiyo, balse ay u muuqato in wada-hadalladaas aysan wax natiijo ah ka soo bixin.