Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in bishan Diseembar gudaheeda tirada dadka ku nafwaayay shilalka waddooyinka ay korortay boqolkiiba 17.3 marka loo barbardhigo sanadkii hore xilligan oo kale.
Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore tiradu ay ahayd 15,918 qof balse ay hadda marayso 19,571.
Oguna ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu ay siddeedii sano ee la soo dhaafay baaxadda waddooyinka wadanka ku kordhisay ilaa 11,000 oo kiilomitir.
Marka la eego ismaamullada kala duwan ee dalka waxaa shilal laga diiwaangeliyay Nairobi oo ah (495 kiis ), Kiambu (425), Nakuru (358), Machakos (205), Meru (158), Muranga (150), Kilifi (141), Kakamega (131)Nyeri (127), Kajiado (120), Uasin Gishu (110), Kirinyaga (110), Narok (101), Embu (89), Kisii (86), Homa Bay (85), Kericho (80) iyo Nyandarua (86).
Afhayeenka dowladda dhexe iyo maamulka qaran ee gaadiidka ee NTSA ayaa dadweynaha ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan xilligan loo dabbaal degayo Christmas.
Wadayaasha baabuurta ayaa lagula taliyay inay aad u feejignaadaan oo aynan halis gelin nolosha rakaabka iyo dadka waddooyinka gudbaya .




