Mudavadi oo aan ku qanacsanayn soo jeedinta ah in doorashada 2022-ka la isticmaalo Huduma Namba

0
488

Hogaamiyaha xisbiga Amani National Congress, Musalia Mudavadi ayaa muujiyay inuusan raali ka ahayn qorshaha la sheegay in lagu adeegsanayo Huduma Namba ee doorashada Madaxtinimada sanadka soo socda.
Afhayeenka Baarlamaanka dalka Justin Muturi ayaa mudanayaasha xusuusiyay in fasaxa kirismaska ka dib waxyaabaha ay ka doodi doonaan uu ka mid yahay Hindise Sharciyeedka Huduma ee (Sharciga Golaha Qaranka No. 57 ee 202).
Kuwa ka soo horjeeda sharcigan ayaa ku andacoonaya in uu soo jeedinayo in Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo uduudaha dalka ee IEBC loo igmado in Huduma Namba uu qayb ka noqdo diiwaanka codbixiyayaasha.
Mudavadi ayaa ka mid ah dadka ka keenaya su’aalaha ku saabsan sharciga. Waxa uu sheegay in Nidaamka Maareynta Aqoonsiga Isku-dhafan ee Qaranka aan lagu ‘xiri karin’ diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC) maadamaa arrintaasi ay ka soo hor jeedo arrimaha kalsoonida ee nidaamkaasi.