Madaxda maamullada dalka oo hoggaamiye cusub dooranaya

0
238

Barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ayaa ku dhawaaqay in 27-ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay qabanayaan doorashadooda sanadlaha ah.
Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay guddoomiyaha hoggaamiyeyaasha maamulada Kenya ahna barasaabka dowlad deegaanka Embu , Martin Wambora ayuu ku sheegay in waxyaabaha ay maamulladu aadka u danaynayaan ay ka mid yihiin inaan lagu gacan bidixeyn dhismaha isbitaallada heerka saddexaad ee guud ahaan dalka.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu wasaaaradda maaliyadda ku amray inay soo saarto 3.2 bilyan oo shilinka dalka ah lacagtaas oo la doonayo in lagu dhiso 50 ka mid ah isbitaallo cusub.
Amarkan ayuu bixiyay xilligii uu jeedinayay khubaddiisii maalinka halyeeyada dalka ee Mashujaa day 20-kii Oktoobar ee sanadkaan.
Guddoomiye Wambora ayaa sheegay in kastoo aysan maamul goboleedyadu ka so horjeedin dhismaha isbitaallada haddana inay muhiim tahay in howshan loo fuliyo si dastuurka dalka waafaqsan maadaama caafimaadku yahay shaqo u qaybsan maamullada iyo dowladda dhexe.
Wuxuu dowladda dhexe ku boorriyay inay dowlad deegaanada u ogolaato inay kaalintooda ka qaataan howshan iyadoo ay tayaynayaan xarumihii hore ee caafimaadka sidoo kalena ay la socdaan kuwa cusub ee la dhisayo.
Golaha hoggaamiyeyaasha dowlad deegaanada dalka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo dhaqaale gaaraya 62 bilyan oo shilin oo ka mid ah qarashaadka joogtada ah ee uu dajiyay guddiga qaran ee qoondaynta dakhliga kaasoo ka anbaqaadayo kharashaadka loo adeegsanayo doorashada guud ee 2022-ka.
Marin Wambora ayaa sheegay inay gobollada qaarkood leeyihiin dhul aad u baaxad weyn marka la eego kuwa kale sidaas darteedna kharashaadka ku baxaya waxyaabaha ay ka mid yihiin ka qaybgalka dadweynaha iyo wacyigalinta ay suuragal tahay inay ka duwanaato kuwa dhul ahaanta kooban.
Dhanka kale Mr .Wambora ayaa ku dhawaaqay in Mary Mwiti ay noqonayso madaxa fulinta ee golaha COG saddexda sano ee soo socota.
Barasaabka dowlad deegaanka Narok Samuel Ole Tunai oo isna kulanka ka hadlay ayaa shacabka ugu baaqay inay si aad ah uga taxadaraan faafitaanka cudurka COVID-19 inta lagu guda jiro fasaxa ciida kirismaaska.
Waxaa uu sheegay inaysan goluhu marna taageerayn tallaabo kasta oo dalka lagu xirayo maadaama ay saamayn ku yeelanayso dhaqaalaha dalka sidaasi darteedna kenyaanka loo daayo inay sii wataan ganacsiyadooda ayagoo u hoggaamsamaya tallaabooyinka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah.