Nin la sheegay in uu si toos ah Qorraxda u eegayay muddo hal saac ah isaga oo aan jeedsan

0
870

Nin da’a ah oo u dhashay dalka India ayaa dhawaan dhigay rikoor cusub oo heer qaran ah ka dib markii la sheegay in uu saacad dhan si toos ah u eegayay qorraxda isaga oo aan lahayn muraayadaha indhaha isla markaana aanu hal mar meel kale eegin.
70-jirkaan ka fariistay shaqada Dowladda ee ka soo jeeda gobolka Uttar Pradesh ee dalka India ayaa magaciisa lagu sheegay Mr. MS Verma. Waxa uu sida muuqata u tababbaranayay arrinkani cajiibka ah muddo 25 sano ah, ka dib markii uu dhiirigeliyay macalin reer India ah .
Isku daygiisii ahaa inuu ka sare maro rikoorkii horey u yaalay isaga oo aan jeedsan ayaa waxaa kormeeray wakiilo ka socday Buugga Diiwaanka India , iyo sidoo kale koox siyaasiyiin iyo dhakhaatiir ah. Ka dib markii uu saacad si toos ah u eegay qorraxda isaga oo aan lahayn muraayadaha indhaha oo aan xitaa meel kale eegin, Mr. Verma araggiisa waxa loo arkay mid caadi ah, iyo guud ahaan caafimaadka isha.
Mr. Verma waxaa uu ku guulaystay in uu jabiyo rikoodhkii hore oo uu dhawr sanno ka hor dhigay nin kale oo u dhashay dalka India kaas oo ku guulaystay in uu qoraxda eego isaga oo aan lahayn muraayadaha indhaha isla markaana aan 10 daqiiqo jeedsan. Ninkan ayaa u sheegay saxafiyiinta in uu diyaar u yahay in sidoo kale lagu darro abaal marinta buuga mucjisada adduunka ee Guinness World Records.
Inkasta oo hawl-gabku uu u muuqday mid caafimaadkiisu wanaagsan yahay ka dib isku daygiisii guusha lahaa, dhoola cadeynta iyo in uu sawiro la galo masuuliyiinta lagu casuumay, haddana khubaradu waxa ay ka digayaan in la isku dayo hawshan, maadaama in si toos ah oo indhaha loogu eego qorraxda, xitaa si kooban, ay aad u xanuun badan tahay, dadkana khatar gelinaysa, oo soo gaaraya indhaha dhaawac aan laga soo kaban karin.
Weli, waxaa jira qaar ku dhaarta faa’iidooyinka caafimaad ee qoraxda oo la eega iyada oo aan nooc kasta oo ka hor tag lahayn, qaar ka mid ah khubaradu ayaa ku tilmaamaya nooc daawo bilaash ah.