Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ilaa iyo hadda 291 ruux ay ku dhinteen roobabka culus ee da’ay iyo daadadka ka dhashay.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay afhayeenka dowladda sare, Issac Mwaura.
Dhanka kale 75 qof oo dheeraad ah ayaa weli la la’yahay.
Tirada dhimashada ayaa sii korortay ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay labo ruux geeriyoodeen.
Tirada dadweynaha ku dhaawacmay fatahaadaha ee gudaha dalka ayaa ah 188 ruux.
Waxaa daadadka ku barakacay qoysas gaaraya 55,631 oo ka kooban ilaa 278,155 qof.
Qoysaska ay saameynta tooska ah soo gaartay ayay dowladdu tiradoodu ku sheegtay 82,552.
Sidoo kale dowladda ayaa 187 ah xerooyinka barakacayaasha gudaha ee loo yaqaano IDPs ka hirgelisay 25 ka mid ah ismaamullada dalka.
Waxaa xerooyinkan ku jira in ka badan 3,000 oo qof iyadoo 65,493 ruux oo dheeraad ah ay ku biireen qaybaha bulshada ka dib markii laga daadgureeyay agagaarka webiga Nairobi River .