Kenya oo maanta diiwaangelisay 149 oo ah xaaladaha cusub ee COVID19

0
374

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay inay diiwaangelisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID19 oo gaaraya 149.
Kiisaskan ayaa laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay dheecaanka 2,280 qof.
Heerka sare u kaca cudurka ee gudaha dalka ayaa ah boqolkiiba 6 .5 marka la barbar dhigo 2.4 iyo 5.0 oo la diiwaangeliyay Sabtidii iyo Axadii ina dhaafay.
Dadka ugu dambeeyay ee caabuqa corona laga helay ,143 ka mid ah waa kenyaan halka 6 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 81 dumar ah iyo 68 rag ah oo ay da’doodu u dhexeyso hal sano jir ilaa 97 sano jir.
Tirada guud ee kiisaska corona ee Kenya laga xaqiijiyay tani iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore ayaa ah 256,484 kuwaasoo laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay 2.8 milyan oo dheecaan ah.

Ismaamullada laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee ay maanta shaacisay wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa kala ah Nairobi 123 ,Machakos 13, Mombasa 3, Kiambu 2, ismaamullada kala ah Kajiado, Kericho, Kitui, Nakuru, Narok, Taita Taveta, Uasin Gishu iyo galbeedka Pokot waxaa laga diiwaan geliyay min hal qof.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa sheegtay in 36 bukaan ay cudurka ka bogsadeen kuwaasoo 26 ka mid ah laga saaray xarumaha caafimadka 10 kalena ay ka mid ahaayeen dadka guryaha lagu daryeelayay.

Dadka guud ahaan cudurka COVID19 ka caafimaaday ayaa gaaraya 248,551.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay dhimashada hal qof oo gadaal laga ogaaday kadib baaritaano lagu sameeyay diiwaanka bishii November taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 5,349 qof.

Bukaannada ku jira xarumaha caafimaadka ee guud ahaan dalka ayay wasaaradda caafimaadku tiradoodu ku sheegtay 175 halka dadka guryaha lagu daryeelayana ay yihiin 842 qof.

Dadka qaatay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ayay wasaaradda caafimaadka ku sheegtay inay yihiin 8,189,322.

4,928,719 oo ka mid ah tiradan ayaa la siiyay qayb ka mid ah tallaalka halka kuwa sida buuxda looga tallaalay cudurka ay tiradoodu tahay 3,260,603 sida laga soo xigtay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe.
Dowladda dhexe ayaa qorsheynaysa in ugu dambeyn 25-ka bishan ay dawooyinka tallaalka COVID19 siiso ugu yaraan 10 milyan oo qof iyadoo bartilmaameedsiga guud uu yahay 27 milyan oo qof.

Marka la eego sida shacabka ku nool ismaamullada dalka ay u qaateen tallaalka corona waxaa ugu horreysay caasimadda wadanka ee Nairobi oo ah boqolkiiba 30.4.
Ismaamulka Nyeri tiradan ayaa ah boqolkiiba 25.3, Kiambu 19.2, Laikipia 19.0 iyo Murang’a oo ay wasaaraddu ku sheegtay boqolkiiba 14.7.
Dhanka kale ismaamulka Wajeer ee gobolka waqooyi bari waxaa weli hooseeysa qaadashada tallaalka iyadoo ilaa iyo hadda dawooyinka la siiyay boqolkiiba 2.7 ee shacabka halkaasi ku nool halka Mandera tiradan ay tahay boqolkiiba 2.4.