29 qof oo ku dhintay dhul go’ saameeyay Brazil

0
286

Waxaa la xaqiijiyay in 29 ruux ay ku dhinteen roobab culus oo ka da’ay iyo dhul go’ ka dhashay oo saameeyay gobolka Koonfureed ee wadanka Braziil ee Rio Grande do Sul .
Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca rayidka ee dalka Braziil waxa la la’yahay ugu yaraan 60 qof oo kale.
Maamullada gobolkaasi ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah waxaana socdo howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya dad dheeraad ah.
Waxaa burburay guriyo, buundooyin iyo waddooyin.
Dabeylo xooggan ayaa sidoo kale burburiyay ku dhawaad 150 degmo oo gobolkaasi hoos taga.
Waxaa dhaawacmay 36 qof halka in ka badan 10,000 ay barakeen.
Guddoomiyaha gobolka Rio Grande do Sul ,Eduardo Leite ayaa sheegay in ay la tacaalayaan musiibadii muddo ugu darnayd.
Madaxweynaha dalka Braziil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ballan qaaday in si hagar la’aan ah loo adeegsan doono raasimaalka aadane iyo dhaqaale si loo yareeyo saameynta dhibaatada dhacday.