Xildhibaanka Koonfurta Gatundu oo qaliin naadir ah lagu samaynayo

0
606

Xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Gatundu Moses Kuria ayaa lagu wadaa inuu qaliin naadir ah ku galo magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ka dib dhaawac ka soo gaaray lugaha kal hore.
Hadii uu qaliinkaan galo wuxuu ka mid noqon doonaa Hoyaalada caalamka ee dadka qaliimada dhifka ah looga sameeyo unugyada asliga ah.
Arrintaan ayaa timid kadib markii bishii Sagaalaad ee sanadkaan uu lugaha dhaawac ka soo gaaray waxaana markii hore lagu daweeyay isbitaalka Karen ee magaalada Nairobi ka hor intaa Dubai loo duulin.
Kuria ayaa idaacada Capital u sheegay in todobaadkaan loo diyaariyay qaliin unugyada asliga ah oo ka mid ah kuwa naadir ah ee caalamka ka dhaca.
Mr Kuria aya la sheegay inuu heerka sadexaad ee nuguyada hoose oo dhanka lugaha ah uu kaga gubtay qalab koronto ku shaqeeya oo uu qarash gaaraya 250,000 oo shilinka dalka ah ugala soo wareegay shirkada Total Ceragem Africa Limited oo ka shaqaysa daawooyinka iyo daryeelo kale.
Xildhibaanka ayaa sheegay inay tahay in shirkada qalabkaan lahayd ay qadato masuuliyada waxa gaaray sidoo kalena uu la xiriiray agaasinka danbi baarita wadanka si loogu qaado dacwad ciqaabeed maadaama uu aaminsan yahay inay tahay arin aas-aasi ah oo muhiimada u leh kenyanka kale.
Mr kuria ayaa carabka ku adkeeyay inuu doonayo inaysan kenyanka khalad u fahmin dadaalkiisa maadaama uu cadaynayay inuu arintaan u wado kali ah si aysan kenyan kale ugu dulqaada waxa isaga ku dhacay.
Intii lagu guda jiray kala fadhiga baarlamaanka madaxa fulinta shirkada qalabkaan leh Vicentu Omala ayaa si adag u difaacay qalabka ay shirkadu soo bandhigtay oo ay ku jiraan waxyaabo qaab sareer ahaan u samaysan oo koronto ku shaqeeya wuxuuna xusay inaysan jirin cabasho tan la mid ah oo laga diiwaan galiyay badeecadooda.