Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID19 oo gaaraya 201.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 4,011.
Tirada guud ee kiisaska COVID19 ee Kenya ayaa hadda ah 256,335 .
Xaaladaha cusub ee ay maanta shaacisay wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa laga kala diiwaangeliyay Nairobi 119, Mombasa 31, Trans Nzoia 10, Kiambu 10, Machakos 9, Nakuru 6, Kajiado 4, Meru 3, Kisumu 2, Kwale 2, Baringo 1, Bungoma 1, Kakamega 1, Kilifi 1 iyo Nyeri 1.
Waxaa xanuunka u dhintay labo bukaan oo dheeraad ah in kastoo xilliyo dambe la soo sheegay.
Tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda gudaha Kenya ugu dhintay cudurka COVID19 ayaa ah 5,348.
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 4 bukaan oo dheeraad ah oo dhamaan lagu daryeelayay guriyaha tani oo tirada guud ee ilaa iyo hadda ka bogsaday COVID19 ka dhigaysa 248,515.
Isbitaallada kala duwan ee dalka waxaa hadda ku jiro oo corona la xanuunsan 188 bukaan iyadoo 834 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa ku jiro labo bukaan 2 oo adeegsanaya agabka neef caawiyaha.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ee ay isticmaashay ku sheegtay 8,169,739.




