Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay maanta sarkaal boolis oo ilaalinayay koox fulinaysa tallaalka ka dhanka ah cudurka dabeysha ku dishay waqooyiga galbeed ee wadanka Pakistan.
Booliska dalkaasi ayaa sheegay in dilkan uu yahay midkii labaad oo la gaystay labo cisho gudahood.
Falkan ayaa laga soo tabiyay gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Hal maalin ka hor ayay ahayd markii kooxda Taalibaan ee Pakistan ee loo yaqaano TTP ay toogasho ku dishay askari kale oo boolis ah.




