Qiimaha korontada oo la dhimaya boqolkiiba 15

0
301

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta shaaciyay in laga billaabo bishan Diseembar qiimaha korontada ee wadanka uu hoos u dhici doono boqolkiiba 15.
Xilli uu khudbad ka jeedinayay xuska qaran ee maalinta Jamhuri Day oo loo dabbaal dego xilligii ay Kenya noqotay jamhuuriyad leh maamulka gudaha ayuu Mr. Kenyatta sheegay in horraanta sanadka cusub qiimaha la sii dhimi doono boqolkiiba 15.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in Kenyaanka iyo ganacsatada looga fududeeyo culeyska ka dhashay qiimaha sare ee tamarta.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay inuu go’aankan qaatay isagoo ka jawaabaya cabasho ka timid macaamiisha iyo waaxyaha ganacsiga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in wasaaradda tamarta ay billowday wada hadallo ay la yeelanayso shirkadaha sida madaxa bannaan u soo saaro korontada ee IPP si dib loogu eego wada xaajoodka la xiriira iibsashada si macaamiisha ay u helaan adeegyo u dhigmo qarashaadka ay bixiyaan.