Jacob Zuma oo buug uu qoray soo bandhigay

0
341

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo lagu eedeyay musuqmaasuqa ayaa maanta soo bandhigay buug uu kaga warramayo waxyaabihii dhacay.
Buuggan ayaa waxaa cinwaan looga dhigay “Jacob Zuma Speaks” oo loola jeedo inuu hadlay.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii mas’uulkan hore bishii sagalaad laga siidaayay xabsi , xanuun awgii.
Tallaabadaasi ayaa timid labo bilood un ka dib markii ay maxkamad ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah.
Afhayeenka Jacob Zuma oo lagu magacaabo Mzwanele Manyi ayaa sheegay in buugga uu soo saaray lagu iibsan karo 19 doolar.