Shirkadda mashiinada Robot-ka ee dadka caawiya ee Ruushka ayaa dhawaan shaacisay inay qorsheynayso inay soo iibsato xuquuqaha taas oo ay ku isticmaalayso wajiga iyo codka qofka abid isla markaana bixinayso lacag dhan $200,000.
Iyada oo caan ku ah soo saarista robots-ka dhabta ah ee u eg sida bini’aadamka, shirkada Promobot ayaa hadda soo saaraysaa “caawiye robot- bini’aadan ah kaas oo ka shaqeyn doona hoteelada, xarumaha dukaameysiga iyo meelaha kale ee dadku ku badan yahay,” waxaana wajiyadaasi laga dhigi doonaa mid “naxariis iyo saaxiibtinimo” leh si loo isticmaalo. Si taas loo gaaro, shirkada Ruushku ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay bixiyo $ 200,000 oo ay siinayso qof kasta oo raba inuu u wareejiyo xuquuqda wejigiisa inta nolashiisa ka dhiman.
Shirkaddu waxay cadaysay inay aqbali doonto codsiyada dadka jinsiyadaha iyo asalada kala duwan ah, iyada oo ‘da’da 25 iyo ka weyn’ ay tahay shuruudaha kaliya ee la sheegay.
Waxa xiisaha lihi leh, shirkada Promobot ayaa dhibaato dhinaca sharciga ah la kulantay in muddo ah, markii uu dacweeyay Arnold Schwarznegger oo ka dalbaday $10,000,000 sababo ah in loo isticmaalay muuqaalkiisa robots-ka isagoon wax fasax ah la waydiisan.
Waxay u badan tahay inay rajeynayaan inay hubiyaan inaysan taasi mar kale dhicin iyagoo bixinaya lacag aad u yar oo hore.
Ka dib marka ay doortaan wejiga shirkada Promobot iyo macaamiisheeda, codsadaha guuleysta wuxuu u baahan doonaa inuu haysto qaab 3D ah oo wejigiisa ah, si loogu isticmaalo astaamaha dibadda ee robotka. Laakiin qandaraasku wuxuu sidoo kale siinayaa shirkadda xuquuqda codka qofka, sidaas darteed guuleystuhu wuxuu sidoo kale ku qasbanaan doonaa inuu “duubo codkiisa 100 saacadood ee qalabka hadalka” si loo abuuro codka robotka.
Shirkadda Promobot ayaa joojisay qaadashada codsiyada Isniintii, ka dib markii ay buux dhaafiyeen dalabyada.
“Maanta waxa na soo gaadhay in ka badan 20,000 oo codsi, macmiilkayagu waxa uu go’aansaday in uu joojiyo ururinta codsiga. Waxaan rabnaa inaan u mahadcelinno dhammaan ka qaybgalayaasha, ” ayay tiri Shirkadda Ruushka.
Home Warbixinno Dheeraad ah Shirkadda Tech oo bixin doontaa $200,000 si ay ugu isticmaasho Wejigaaga...