Waxaa xarunta jaamacadda Nairobi ee caasimadda dalka ka socoto munaasabad loogu dabbaal degaya maalinta adduunka ee xuquuqul aadanaha oo sanad kasta la qabto 10-ka bishan Diseembar.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Mr. Bruno Shioso ayaa sheegay inay kaashanayaan hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn si loo ilaaliyo xuquuqul insaanka.
Mr. Bruno ayaa xusay inay taageersan yihiin hal ku-dhigga xuska maalinta xuquuqul aadanaha adduunka ee sanadkan oo ah ‘Equality, Reducing inequalities, and advancing Human Rights’ oo loola jeedo sinnaan,yareynta sinnaan la’aanta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Booliska ayaa dhammaan kenyaanka xusuusiyay inay xuquuq leeyihiin sidaas awgeedna iyagoo aan cabsan ay ka hadli karaan arrimaha jira.