Ugu yaraan 138 qof ayaa la dilay halka tobanaan kalena ay dhaawacyo soo gaareen ka dib weerarro toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan gobolka galbeedka Daarfuur ee dalka Suudaan .
Waxaa sidatan laga soo xigtay dhakhaatiirta caafimaadka ee wadankaasi.
Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ay rabshado u dhexeyeen beelo wada dego gobolka galbeedka Daarfuur.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kumanaan qof ay guryahooda ka barakaceen.
Guddiga dhakhaatiirta galbeedka Daarfuur ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegeen in weerarrada ka dhacay aagga Kreinik ay ku dhinteen 88 qof ayna ku dhaawacmeen 84 kale, halka rabshadaha ka soo cusboonaaday buuraleyda Jebel Moon ay ku dhinteen 25 qof, 4 ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale rabshado ka dhacay deegaanka Sarba ayaa sababay dhimashada 8 qof iyo dhaawaca oo lix ah.
Waxaa ay intaa ku dareen in dhaawacyo badan ay u dhinteen daryeel la’aan, taas oo loo aaneeyay in meelaha miyiga aynan ka jirin qalab caafimaad.
Rabshado ayaa markii ugu horreysay dhacay 17-kii bishii hore islamarkaana u dhexeeyay xoolo dhaqato carbeed oo hubaysan ee deegaanka Jebel Moon ee galbeedka Daarfuur.
Guddoomiyaha Galbeedka Daarfuur Khamis Cabdallah ayaa sheegay in shaqaaqadu ay ka dhalatay muran ku saabsan dhaca geela.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidamo loo diray aagga ay rabshaduhu ka dhacaan haatana ay xaaladdu deggan tahay.
Dhanka kale bayaan uu maalmo ka hor soo saaray Will Carter oo ka tirsan hay’adda qaxootiga ee Norway ayaa mas’uuliyiinta dalka Suudan iyo beesha caalamka ugu baaqay in ay si degdeg ah wax uga qabtaan rabshado kasoo cusboonaaday gobollo ka tirsan wadanka Suudan.