Dowladda oo lacag caddaan ah siineyso qoyasaska liita oo ay abaartu saameysay

0
336

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in laga billaabo toddobaadkan ay lacag dhan 3,000 oo shilin heli doonaan qoysaska liita ee ay sida ba’an u saameysay abaarta ku dhufatay 23 ka mid ah dowlad deegaanada wadanka.
Waxaa uu xusay in barnaamijkan ay ka faa’iidaysan doonaan in ka badan 2.5 milyan oo qof.
Dadaallada kale ee ay dowladda wado waxaa ka mid ah inay iibsato xoolaha , biyo dhaamin, qodidda iyo dayactirka ceelasha biyaha.
Oguna ayaa hoosta ka xarriiqay in la rajeynayo in marka qoysaska danyarta ah ay helaan lacagaha la bixinaya ay sare u kici doonto awoodooda dhanka wax iibsashada sidoo kale ay hoos u dhacayaan dagaallada ku saleysan kheyraadka sida biyaha iyo daaqa.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshuhu uu yahay in dowladda dhexe ay xoolo dhaqatada ka iibsato in ka badan 76,667 neef.
Xoolaha liita ayaa lagu wareejinayaa warshadda hilibka ee dalka ee KMC.