DHAGEYSO:Shirweynaha mideynta bulshada oo ka socdo Kasarani

0
333

Waxaa garoonka Kasarani ee magaaladatani Nairobi ka socdo shir loogu magacdaray mideynta shacabka oo la filayo in madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu ku shaaciyo in sanadka soo socdo uu markii shanaad u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalka iyo in kale.
Kulanka waxaa ka qayb galaya madax kala duwan oo isugu jiro siyaasiyiinta ODM,xulafadooda iyo taageerayaashooda.
Raila ayaa adeegsanaya hiigsiga mideynta shacabka ee loo yaqaano azimio la umoja isagoo ismaamullada kala duwan ku qabtay kulamo uu kula tashanayay waxgaradka , siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa faahfaahinaya kulamadii kala duwanaa ee uu Raila qabtay iyo ujeeddada hiigsiga azimio la umoja.

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna iyo barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya oo tusaale u soo qaatay dagaallada ka taagan dalka Itoobiya ayaa boogaadiyay qorshaha Mr. Odinga uu ku mideynayo kenyaanka

In kastoo uunan weli goobta hadal ka jeedin, Raila Odinga ayaa goor sii horreysay ka hadlay muhiimadda shirka maanta dhacaya.