Ciidamada Kenya oo ay suurtagal tahay inay sugaan amniga xilliga koobka adduunka ee sanadka dambe

0
452

Dowladaha Kenya iyo Qatar ayaa yeelanaya wada hadallo ku saabsan dhanka amniga.
Haddii ay heshiis gaaraan waxay tani horseedi doontaa in saraakiisha amniga ee dalka , sanadka 2022-ka la geeyo magaalada Dooxa ee wadanka Qatar si ay qayb uga noqdaan xaqiijinta xasiloonida xilliyada ay socdaan tartamada cayaaraha koobka adduunka .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa maanta kulan arrinkan ku saabsan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Qatar sidoo kalena ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Sheekh Khaalid bin Khalifa bin Cabdulcaziiz Al-Thani .
Waxaa uu qorshuhu yahay in cayaaraha koobka adduunka ay dhacaan inta u dhexeysa 21-ka bisha November ilaa 18-ka bisha Diseembar ee sanadka nagu soo aaddan.