Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo dilay hooyo ilmo agoon ah korineysay

0
361

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenleey gobolka Banaadir Maanta ku dilay Haweeneey ay deris ahaayeen.
Haweeneyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Faaduma Cali Cismaan (Faay Beeso) ayaa korineysay Carruur Agoon ah, waxaana askariga dilay ay ahaayeen deris isku xaafad ahaa.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in sababta dilka ay ka dambeysay ka dib markii Haweeneyda Carruurteeda uu wadada ku ciyaaraya uu qoray ku taagay, hayeeshee, iyada oo dooneysay inay u dacwooto Sarkaalka Askariga xukumaayay, uu askarigii uu Haweeneyda dilay.
Qaar kamid ah Ehellada Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ahayd mid la tacaasha Nolol maalmeedka Carruurteeda, islamarkaana uu u dilay Askariga si xaq darro ah.
Waxaa ay ugu baaqeen laamaha amniga dowladda Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigaan Askariga dilka gaystay oo Goobta ka baxsaday, kaas oo laamaha amniga Soomaaliya ay ku raad joogaan.
Dhacdooyinka la xiriira dilalka ay qaarkood gaysanayan Askarta dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo batay Magaalada Muqdisho.