Waxaa la xaqiijiyay in Madaxa ciidamada difaaca dalka India, xaaskiisa iyo 11 qof oo kale ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Hindiya.
Diyaarada burburtay ayaa ah nooca qummaatiga u kacda ee loo yaqaano Helikobtarka .
Diyaaradda waxaa saarnaa taliyaha ciidamada difaaca dalka India Jeneraal Bipin Rawat .
Shilka ayaa ka dhacay gobolka Tamil Nadu ee koonfurta wadankaasi.
Waxaa sidatan laga soo xigtay ciidamada cirka ee India.
Wakaaladda wararka ee Press Trust ee India ayaa dhanka kale sheegtay in diyaaraddu ay ka soo duushay saldhigga ciidamada cirka ee dalkaasi kuna sii jeeday kulliyadda adeegga difaaca ciidanka ka hor inta aysan burburin.
Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi, hasa yeeshee,diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Helicopter IAF Mi-17V5, ayaa waxa la socday taliyaha ciidamaada gaashaandhigga ee India.
Ciidamada cirka ee India ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo shilkan waxa sababay.