Waaxda dacwad oogista dalka ayaa kulamo kala duwan la qaadaneyso shacabka ismaamulka Gaarisa.
Agaasimaha waaxda dacwadda soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan looga hadlaya caqabadaha hortaggaan helitaanka caddaaladda ee dadweynaha Garissa.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo dad badan ku nool dowlad deegaankaasi ay sheegeen in aysan helin cadaalad, ka dib markii cabashooyin ay qabeen u gudbiyeen maxkamadaha.
Agaasimaha waaxda dacwadda soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabaha ay kala hadlayaan shacabka ismaamulka Gaarisa.
Dhanka kale shacabka dowald deegaanka Garissa ayaa sheegeen in dhageysiga dacwado qaar ay muddo dheer qaadaato.
Nuurdiin Xaaji oo arrinkan wax laga weydiiyay ayaa sidatan ku jawaabay