Barasaabka ismaamulka Kitui oo sheegtay inay taageerayaan qoysaska dadkii wabiga ku dhintay

0
442

Barasaabka dowlad deegaanka Kitui Charity Ngilu ayaa sheegtay in dowladda dhexe iyo ismaamulka Kitui ay taageeri doonaan dhammaan qoysaska dadkii ku dhintay musiibadii ka dhacday wabiga Enziu maalinkii sabtida.
Xilli ay u warrantay warbaahinta Citizen ayay Mrs. Ngilu sheegtay in wasaaradda arrimaha gudaha oo kaashanaysa waaxda qaran ee maaraynta musiibooyinka ay ka shaqayn doonaan sidii qoysaska ay eheladoodu dhinteen loo garab istaagi lahaa gaar ahaan xilliga aaska loo samaynayo.
Barasaabka ayaa dhanka kale xustay inay maamulkeedu uu diiradda saarayo mashruuca dib u dayactirka buundada oo sida ay sheegtay la billaabay sanadkii 2019-kii balse aan wali la dhamaystirin.
Ngilu ayaa kenyaanka u xaqiijisay in dowladdu ay hadda si dhab ah u qaadan doonto dayactirka buundadaas iyadoo xustay in qorshaha dib u habaynta buundada ay billaabeen.
33 qof oo ay ku jiraan 4 carruur ayaa ku nafwaayay shilkaas maalinkii sabtida ka dib markii baskii ay la socdeen oo jiiray wabiga Enziu uu biyaha ku dhex qalibmay dadkaas oo xaflad aroos ah u socday.
Darawalka ayaa isku dayay inuu buundada wabiga ka gudbo xiligaasna waxaa socday biyo fara badan oo daad ah balse waxaa ka awood batay biyaha oo gabi ahaanba gaarigii qaaday .