C/Raxmaan Sahal oo ah Falanqeeye Arrimaha Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dilalka ay Ciidamada Dowladda u gaystaan Dadka Rayidka ah ay ka Dhalan karaan Kacdoon Shacab.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay madaxda dowladdu aad u dadaalaan oo ku howlan yihiin in xal loo helo askarta dadka shacabka ah dilaya haddana inta ay jirto, askarta dowladda oo rasaas iska fura ama jidadka xoog ku maraya ay tahay caqabad u baahan in wax wayn laga qabto.
Askarta dowladda Soomaaliya oo wadamo kala duwan lagu tababaro falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka dhaca,waddooyinka oo cariiri ah iyo qoddobo ayuu u aaneeyay inay soo lalaabtaan dilalka ay askartu u gaystaan rayidka.